Koox Premier League Oo Oo Dalab Rasmi Miiska U Saartay David Alaba.

Kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab Rasmi ah oo dhan 240 kun Todobaadkii miiska u saartay xiddiga daafaca uga ciyaara Bayern Munich ee David Alaba si ay ugu qanciso in uu ku soo biiro Etihad Staduim.

Heshiiska Alaba ee Bayern Munich ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana ay u badantahay in uu isaga tagi doono kooxda Bayern Munich xagaaga waliba qaab xor ah.

Kooxo badan oo ay ka mid yihiin Real Madrid, Barcelona, Liverpool, Chelsea & Manchester United ayaa dhamaantood doonaya saxiixa xiddiga bilihii ugu dambeeyay.

Si kasta ha ahatee wargayska AS Ayaa sheegaya in ay Man City dalab Rasmi ah oo dhan 240 kun todobaadkii mushahar ah miska u saartay xiddiga 28 jirka ah.

Alaba ayaa xiddig muhiim ah ka ah Bayern Munich waxana ay kooxdu isku dayday in ay heshiis cusub ka saxiixato laakiin xiddiga ayaa iska diiday.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Saddex Nin Oo Ayna Dumarku Waligood Ku Soo Noqon Wax Walba Oo Dhaca

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*