Koox Premier League Oo Ku Dhaw In Ay Man United Ku Garaacdo Sergio Reguilon & Hal Arin Oo Sabab U Ah.

Sevilla's Spanish defender Sergio Reguilon celebrates scoring during the UEFA Europa League round of 16 football match between Sevilla FC and AS Roma at the MSV Arena on August 6, 2020 in Duisburg. (Photo by WOLFGANG RATTAY / POOL / AFP) (Photo by WOLFGANG RATTAY/POOL/AFP via Getty Images)

Kooxda Tottenham ayaa lagu soo waramayaa in ay Man United ku garaacayso saxiixa xiddiga daafaca bidix uga ciyaara ee Sergio Reguilon sida ay sheegayaan wararku.

Saxafiga reer Italy ee Fabrizio Romano ayaa bogiisa Twitter-ka ku soo qoray in ay kooxda Jose Mourinho haatan hogaaminayso tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga reer Spain.

Sababta uu Tottenham u hogaaminayso tartanka loogu jiro Sergio Reguilon ayuu Fabrizio Romano ku sheegay in ay Tottenham ogoshahay in ay ku darto heshiiska xiddiga shardiga ah in ay marka ay doonayso dib ula soo wareegto xiddiga mustaqbalka.

Man United ayaa iyadu diidan in ay shardigaas ku darto heshiiska taas oo ay Real Madrid doonayso in ay Tottenham uga iibiso xiddiga daafaca Bidix.

Sergio Reguilon ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkii hore ee uu amaahda ku joogay kooxda Sevilla waxana la filayaa in uu isaga tago kooxda Real Madrid Xagaagan.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*