Koox Premier League Ah Oo Ugu Cad-Cad Saxiixa N’Golo Kante.

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay ugu cad-cadahay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda chelsea ee N’Goloe Kante.

Red Devils ayaa hogaaminaysa helitaanka saxiixa xiddiga khadka dhexe inkasta oo ay tartan adag kala kulmayso kooxaha Real Madrid iyo Man City.

Xiddiga reer France ayuu shaki ku jiraa mustaqbalkiisa Stamford Bridge waxana sii xoogaysanaya wararka sheegaya in uu isaga tagi doono kooxda chelsea marka uu furmo suuqa kala iibsiga January.

Inter Milan ayaa sidoo kale doonaysa saxiixa xiddiga 29 jirka ah iyada oo uu Antonio Conte doonayo in uu la midoobo xiddiga.

Laakiin United ayaa haatan ugu cad-cad saxiixa xiddiga 2 jeer ku guulaystay horyaalka premier League ee N’Golo Kante.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*