Koox Premier League Ah Oo Man United Ku Cidhiidhinaysa Baacsiga Raphael Varane.

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay Man United kula tartanto saxiixa xiddiga daafaca uga ciyara Real Madrid ee Raphael Varane sida ay sheegayaan wararku.

Daafaca 27 jirka ah ayuu heshiiskiisa Los Blancos dhici doonaa xagaaga dambe Kooxda Zidane ayaaan ala sheegayaa in ay diyaar u tahay in ay iska iibiso marka la gaadhu suuqa xagaagan.

Man United ayaa la aaminsanyahay in ay hogaaminayso tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga reer France kaas oo muhiim u ah kooxda uu hogaamiyo tababare Zinedine Zidane.

Si kasta ha ahaatee wargayska Bild ayaa sheegaya in ay Man United tartan adag kala kulmayso kooxda chelsea kuwaas oo dhankooda doonaya saxiixa xiddiga reer France.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Thomas Tuchel taageero weyn u yahay xiddiga ku guulaystay koobka adduunka waliba doonayo in uu kooxdiisa ku xoojiyo xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Wado Fudud Oo Aad Jacaylkaaga Ugu Muujin Kartid Gacaliyahaaga, Hadii Aad Samaysid Adiga Ayaa Abid Iska Leh Qalbigiisa, Meelna Kaagama Socdo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*