Koox Premier League Ah Oo Loo Sheegay In Ay U Dhaqaaqdo Cristiano Ronaldo, Mana Ahan Man United.

Xiddigii hore ee khadka dhexe ee kooxda Chelsea Andy Townsend ayaa sheegay in Manchester City ay tahay inay u dhaqaaqdo saxiixa weeraryahanka Juventus Cristiano Ronaldo.

Waxa jira warar ka imanaya Spain oo sheegaya in ay kooxda Juventus doonayso in ay iska iibiso xiddigii hore ee Man United xagaaga si ay isugu dheelitirto dhaqaaleheeda.

Townsend ayaa u sheegay talkSPORT: “Waa mid ku fiican kubadaha madaxaha ah, waxana aan haatanba ku aragnay arintaas inta uu joogay Juventus”.

“Hadii la heli karo oo ay Juventus suuqa dhigto waa in ay Man City u dhaqaaqdo sababta oo ah waxa ay u baahan yihiin goolal, waa in ay u dhaqaaqdo saxiixa Cristiano Ronaldo”.

“Waa 35 jir laakiin waxa uu sii ciyaari karaa laba sano oo kale”.

“Hadii uu yimaado Man City waxa aan aaminsanahay in uu xilli ciyaareedkii kooxda u dhalin karo 25 gool”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*