Koox Premier League Ah Oo Liverpool Ku Cidhiidhinaysa Saxiixa Thiago Alcantara

Kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay Liverpool kula biirtay baacsiga ay ugu jirto saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Thiago Alcantara inta lagu jiro suuqa xagaaga.

Xiddiga reer Spain ayaa isaga tagi doona kooxda Bayern Munich sabab la xidhiidha in uu heshiiskiisu dhici doono dhamadka xilli ciaareedka dambe.

Liverpool ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxda Liverpool todobaadyadii ugu dambeeyay laakiin wargayska Bild ayaa sheegaya in ay Man City ku biirtay tartanka.

Wararka ayaa sheegaya in ay kooxda Man City doonayso in ay kooxda Liverpool ku garaacdo saxiixa xiddiga si uu Guardiola mar kale ula shaqeeyo xiddiga.

Xiddiga 29 jirka ah ayaa door muhiim ah ka qaatay xilli ciyaareedka Bayern Munich isaga oo dhaliyay 3 sidoo kale caawiye ka noqday 2 kale 37 kulan oo uu ciyaaray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*