Koox Premier League Ah Oo Arsenal Ku Cidhiidhinaysa Martin Odegaard?

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay tartan kala kulmeyso Chelsea baacsiga loogu jiro saxiixa kubadsameeyaha Real Madrid Martin Odegaard.

Xiddiga reer Norway ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Arsenal 6 bilood oo uu joogay xilli ciyaareedkii hore isaga oo dhaliyay 2 gool 2 kalena caawiye ka noqday 20 kulan tartamada oo dhan.

Xiddiga Odegaard ayaa ku laabtay ku laabtay Real madrid isaga oo haatan xilli ciyaareedka cusub isugu diyaarinaya kooxda Los Blancos laakiin wali waxa uu bartilmaameed u yahay kooxda Arsenal.

Si kasta kasta ha ahaatee wargayska Fichajes ayaa sheegaya in ay kooxda Real Madrid diyaar u tahay in ay iska iibiso xiddiga laakiin Arsenal ayaa markan tartan kala kulmaysa kooxda chelsea.

Kooxda Thomas Tuchel ayaa la sheegayaa in uu iska iibin doono midkood xiddigaha Hakim Ziyech ama Kai Havertz si uu ugu dhaqaaqo xiddiga reer Norway inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Sii Akhriso: Saddexda Waddo Ee Ugu Fiican Ee Aad Jacaylkaaga Ugu Soo Bandhigi Kartid Qofka Aad Jeceshahay Hadi Adiga Oo Aan Xishood Aama Cabsi Dareemin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*