Koox La Liga Ka Ciyaarta Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Sergio Ramos.

Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa dalab Rasmi ah oo aad u sareeya kala kulmay kooxdiisii hore ee Sevilla iyada oo uu heshiiskiisa Real Madrid dhacayo ilaa haatana uuna heshiis cusub u saxiixin kooxda Real Madrid.

Sergio Ramos ayaa wali doonaya in uu heshiis 2 sano ah u saxiixo kooxda Real Madrid halka ay Los Blancos doonayso in ay hal sano oo kaliya ka saxiixato xiddiga reer Spain.

Sida laga soo xigtay Radio Spian, Kooxda Sevilla ayaa Ramos u soo bandhigtay heshiis 5 sano ah oo uu 7 milyan oo euro ku qaadanayo sanadkii isaga oo sidoo kale sii joogaya kooxda marka uu ciyaaraha ka fadhiisto.

Ramos ayaa xirfadiisa ciyaareed ka bilaabay kooxda Sevilla ka hor intii uuna ku biirin kooxda Real Madrid una ciyaarin kooxda Los Blancos muddo 15 sano ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*