Sheeko Cusub: Koox Ku Dhawaaqday Saxiixa Cristiano Ronaldo & Sida Ay Wax U jiraan.

Kooxda reer Mexico ee Tlaxcala FC oo ka ciyaarta heerka 3-aad ee Dalkaas ayaa si qosol leh ugu dhawaaqday saxiixa xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano iyaga oo soo dhigay bogooda Twitter-ka.

Kooxda Tlaxcala FC ayaa Bogooda Twitter-ka soo dhigay sawir Cristiano Ronaldo oo xidhan maaliyada kooxdooda waliba ku qoray fariin ay ku soo dhawynayeen.

Tlaxcala FC ayaa ku soo qoray Tiwitter-kooda” ma arkaysaa sida aad ugu qurux badantahay maaliyada Tlaxcala, Hogaamiye Cristiano Ronaldo laakiin Juventus U Sheeg In Ay Telefoonka Naga qabato”.

Inkasta oo ayna kooxda reer Mexico ee Tlaxcala FC la wareegi karin Cristiano Ronaldo hadana waxa ay go’aansatay in ay qaado talaabadan si ay baraha bulshada uga hesho taageerayaal badan.

Si kasta ha ahaatee mustaqbalka Cristiano Ronaldo ee Juventus ayuu shaki weyn ku jiraa mustaqbalkiisa Juventus iyada oo la sheegayo in uu haatanba wadahadalo kula jiro kooxda reer France ee PSG.

Sii Akhriso: Dawlada Somaliya Oo Sheegtay In Ay Korodhay Tirada Dadkii Ku Dhintay Dagaalkii Ka Dhacay Xabsiga Dhexe Ee Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*