Koox Kale Oo Premier League Ah Oo Ku Biirtay Baacsiga Antonio Rudiger

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso xaalada Antonio Rudiger ee Chelsea.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa ku jira bilihii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa Chelsea waxana uu xor u yahay haatan in uu heshiis hordhac ah la gaadho kooxaha ka baxsan England.

Sida laga soo xigtay Manchester Evening News, Man City ayaa si dhaw ula socota xaalada xiddiga reer Germany iyaga oo doonaya in ay qaab xor ah ula soo saxiixdaan xagaaga.

Wararka ayaa sheegaya in kooxaha Man United,Tottenham. Real Madrid & PSGay sidoo kale isha ku hayaan saxiixa xiddiga reer Germany.

Tababaraha Kooxda Man City ee Guardiola ayaa doonaya in uu xiddiga reer Germany ku xoojiyo kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*