Koox Jarmal Ah Oo Wadahadalo Wax Ku Ool Ah Kula Jirta Andreas Christensen

Borussia Dortmund ayaa lagu soo waramayaa in ay ku si biirtay loolanka loogu jiro daafaca Chelsea ee Andreas Christensen.

Iyadoo wax ka yar lix bilood ay ka harsan tahay qandaraaskiisa, 25-sano jirkaan ayaa wadahadalo la yeelan kara kooxdii uu doono si xagaaga uu ugu biiro qaab xor ah .

Chelsea ayaa isku dayday in ay hishiis cusub oo wakhti dheer ah la gasho xiddiga heerka caalami ee dalka Denmark muddo bilo ka hor balse guul la’aan, ayay ku dhamaaseen taas oo ka dhigtay in ay halis ugu jirto in ay waydo ciyaaryahan muhiim ah.

Sida laga soo xigtay saxafiga Sport1 Patrick Berger, Dortmund ayaa wadahadalo la furtay Christensen, waxayna ku kalsoon tahay inay ku heshiiyaan shuruudaha.

Dortmund waxa ay loolan la galeysa kooxda Barcelona kuwaasi oo si dhab ah u doonaya laacibkaas .

Sidaas oo ay tahay , Christensen weli muhiim ayuu ka yahay shaxda kooxda Chelsea , 20 kula ayuu u saftay kooxda dhamaan tartamada ay ku jirto xilli ciyaareedkaan

 

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*