Koox Italy Ah Oo Talaabo U Qaatay Soo Xero Gilinta Dybala

Kooxda Roma ayaa isha ku haysa inay hesho adeega Paulo Dybala inta suuqa xagaaga kala iibsiga uu furan yahay , iyadoo Wolves ay xoojisay dadaalka ay ku dooneyso inay ku soo afjarto heshiiskiisa

Kooxda Roma ayaa isha ku haysa inay hesho adeega Paulo Dybala, xagaagan suuqa kala iibsiga, iyadoo Wolves ay xoojisay dadaalka ay ku dooneyso inay ku soo afjarto heshiiska.

Dybala ayaa lala xiriirinayay suurtogalnimada inuu u dhaqaaqo Inter Milan xagaagan, laakiin waxay u muuqataa in Roma ay dooneyso  in arintaas ay hawada ku laalaan .

Sida laga soo xigtay wargeyska Talyaaniga, “Totomercato”, Roma ayaa dalab rasmi ah u dirtay wakiilada Dybala si ay ugala hadlaan suurtogalnimada inuu u wareego xagaagaan .

Roma ayaa haatan u bandhigtay laacibkaas hishiis gaaraya 4 sano iyo mushaar sanadkii gaaraya 6 milyan oo euro .

Warka waxa uu intaas ku darayaa in laacibak haatan ii quumeynayo xaaladda , maalintada talaadada ayay u badan tahay in jawaab uu ka bixiyo dalabkaas .