Koox Ingiriiska Ah Oo Wadahadal La Furtay Gool Dhaiyaha Munich Ee Robert Lewandowski

Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadda Ingiriiska ayaa sheegaya in Man City ay si dhab ah uga fikarayaan dalab ay xagaaga ka geeyaan weeraryahanka Bayern Munich ee Robert Lewandowski a

Laacibkaas ayaa dhaliyay shaki ah mustaqbalkiisa Munich  ka dib markii todoobaadkii hore uu sheegay in uu doonayo  tijaabo cusub oo uu soo sameeyo.

Manchester Evening ayaa sheegeysa in City xiiso weyn u qabaan laacibka ayna damacsan yihiin in dalab rasmi ah ka geeyaan xilli wakiilkiisa ay wada xaajood la bilaabeen

City waa dareensan tahay in aysan sahal aheyn in ay la soo wareegaan Robert Lewandowski maadaama Munich si fudud xiddigaheeda u iibin hadana taasi kama hor istaageyso in isku day ay sameeyaan

Robert Lewandowski ayaa sidoo kale lala xariiriyay Real haddii ay ku fashilmaan saxiixa ay ku doonayaan Haaland

Waxaa xusid mudan in Robert Lewandowski uu xilli ciyaareedkii hore u dhaliyay Munich 48 gool ka dib 40 kulan dhamaan tartamada

Warka waxa uu intaas ku darayaa in City ka fikarayaan in hishiiska laacibkaas ku daraan ciyaaryahan si howsha u fududaato .

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*