Koox Ingiriiska Ah Oo Wadadahallo Wax Ku Ool Ah Kula Jirta Milan Škriniar

Ilo wareedyo ay qorayaan saxaaafadda Ingiriiska ayaa sheegaya in uu jiro loolan kooxo Ingiriiska ah ugu jiraan saxiixa daafaca Inter Milan ee Milan Škriniar

Laacibkaas oo ka baxay qorshayaasha tababare Conte ayaa muddooyinii hore bartilmaameed u ahaa Man City inkastoo laacibka oo horay asaasi uga ahaa shaxda Inter hadana dhamaadkii xilli ciyaareedka ayuu waayay taasi oo keentay in uu ka fikiro in uu baxo.

Wargeyska The Sun ayaa sheegaya in Tottenham wadahadlalo wax ku ool ah ay kula jiraan Inter balse diyaar uma aha in ay bixiyaan wax ka badna 40 milyan oo euro xilli Inter ay dalbsaneyso aduun dhan 50 milyan oo euro

Sidoo kale kooxda Fulham ayaa qeyb ka ah xiisaha laacibkaas waliba diyaar ayay u yihiin in ay bixiyaan lacagta ay dalbensyo kooxdaas Inter

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*