Koox Ingiriiska Ah Oo Si Dhab Ah Ugu Biirtay Baacsiga Loogu Jiro Saxiixa Lautaro Martinez

Man United ayaa lagu waramayaa in ay si dhab ah uga fikirayaan in ay toos ugu biiraan loolanka loogu jiro weeraryahanka Inter Milan ee Lautaro Martinez waxa ayna doonayaan xagaaga

Laacibkaas waxaa xagaagii si weyn loola xariiriyay Barcelona balse kooxdaas Catalan waa ku fashilmeen in Inter hishiis la gaaraan xilli laacibka shaqsiyan uu doonayay in saxiixaas uu dhaco.

Chelsea ayaa iyana ah kooxda labaad ee Ingiriiska ee ka fikireysa saxiixa Lautaro Martinez xilli lagu waramay in xagaagii dalab hoose oo ay ka geeyeen balse wiilka reer Argentina uu diiday sheekadaas

Laacibkaas oo xilli ciyaareedkaan dhaliyay illaa haatan sedex gool oo horyaalka Talyaaniga ah , mar kale magaciisa waxa uu mashquulinayaa suuqa xagaaga hadiba aysan dhicin January .

Lama helin qiimaha United ku doonayaan saxiixiia Lautaro Martinez balse si dhab ah ayay ugu fikarayaan xilli ay la xariireen wakiilkiisa .

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*