Koox Ingiriiska Ah Oo Hishiis 5-Sano Ah U Bandhigtay Dayot Upamecano  

Ilo xog  ogaal ah ayaa sheegaya in Liverpool talaabo u qaaday soo xero gilinta daafaca kooxda RB Leipzig ee Dayot Upamecano

Sidaas oo ay tahay Liverpool waxa ay loolan kala kulmayaan kooxaha Man City iyo Man United kuwaasi oo dhankooda aad u haminaya daafacaas reer  France

Sports Mole ayaa soo xiganeysa in Liverpool xariir  toos ah ay la sameeyeen wakiilka iyo laacibka ayna kala xaajoodeen suura galnimada ah in suuqa January ay helaan saxiixiisa .

Liverpool waxaa la xaqiijiyay in ay diyaar u yihiin  bixinta qiimaha lagu bur burin karo hishiiska 22 sano jirkaas kaasi oo gaaraya 40 milyan oo gini

Warka waxa uu intaas ku darayaa in Liverpool laacib ay u bandhigeen hishiis 5 sano ah waliba lagu siinayo mushaar ka sareeya midka haatan uu ka qaato kooxda reer Jarmal

Arintaan ayaa imaaneysa xilli laacibkaas aad loogu badiyay in xagaagii uu baxayo waxaana kooxaha doonaya sidoo kale ku jirta Bayern Munich.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*