Koox Ingiriiska Ah Oo Harmar Ka Sameyneysa Baacsiga Philippe Coutinho , Hishiis Is Fahan Ah Ayay Yeesheen

Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadda Spain ayaa sheegaya in Chelsea ay ku horeyso baacsiga loogu jiro saxiixa xiddiga Barcelona ee Philippe Coutinho kaasi oo haatan amaah ugu jooga Munich

Philippe Coutinho ayaa xilli ciyaareedkaan amaah ugu yimid kooxda reer Jarmal waxa ayna haystaan qodob xusaya in ay toos ugu heli karaan aduun dhan 120 milyan oo euro

Haatan , waxa ay saxaafadda Italy tilmaameysaa in Chelsea ay qaaday talaabo u dhaweyneysa saxiixa Philippe Coutinho oo ay ugu horeyso in is fahan shaqsiyadeed ay la gaarene laacibka

Xariirka ka dhaxeeya Chelsea iyo wakiilka Philippe Coutinho ayaa qeyb ka ah fududeynta howsha uu wiilkaas reer Brazil ugu soo wareegi karo Chelsea

Saxafi reer Italy ah ayaa ka sheegay Clacio Mercato in Barcelona ay ogalaaneyso in xagaaga ay Philippe Coutinho ku iibiyaan lacag u dhaxeysa 60 illaa 80 milyan oo euro

Advertisements

Marka laga yimaado Chelsea , Philippe Coutinho waxaa kale uu xiiso ka haystaa kooxda Tottenham oo aad u baadi goobtay xagaagii hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*