
Kooxda ka dhisan Serie A ee Juventus ayaa safka hore ka Gashay tartanka loogu jiro saxiixa Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah sida ay wararku sheegayaan.
Xiddiga Reds ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira ilaa haatan xilli ciyaareedkan isaga oo Salah ka qayb qaatay 17 gool 13 kalena caawiye ka noqday 18 kulan oo Premier League ah iyada oo wiilasha Arne Slot ay fadhiyaan hogaanka horyaalka.
Sida Laga soo xigtay Fichajes Salah ayaa ka tagaya Liverpool waxana uu aad ugu dhawyahay kooxda Juventus.
Waxaa la fahamsan yahay in kooxda Serie A ka dhisan ay si rasmi ah ugu biirtay tartanka loogu jiro saxiixa Salah xagaagan, waxayna isla markiiba u booday safka hore.
Juventus oo xilli ciyaareedkan ku dhibtoonaysa goolka hortiisa ayaa ‘Salah u calaamadisay xiddigii ugu fiicnaa si ay u soo nooleeyaan sanadihii cajiibka ahaa
Be the first to comment