Koobka Kooxaha Adduunka: Rudiger Oo Saadaaliyay Kulanka Real Madrid vs PSG Semi-finalka

Daafaca dhexe ee kooxda Real Madrid, Antonio Rudiger ayaa saadaaliyay kulan “adag” ah marka ay Los Blancos ku wajahdo Paris Saint-Germain semi-finalka koobka FIFA Club World Cup ee dalka Mareykanka.

Labada kooxood ayaa iska xaadiriyay wareega 4 dhamaadka sabtidii kadib markii ay garaaceen Bayern Munich iyo Borussia Dortmund.

Real Madrid ayaa 3-2 kaga badisay Dortmund, halka PSG ay 2-0 ku badisay Bayern Munich.

Labada kooxood ayaa haatan ku soo laaban doona garoonka MetLife Arbacada si ay u wada ciyaaraan kulan ka tirsan semi-finalka.

Isagoo hadlayay ka dib markii Real Madrid ay garaacday Dortmund, Rudiger ayaa wareysigiisii ​​ciyaarta ka dib ku yiri: “PSG waa koox aad iyo aad u adag.

“Waxay [PSG] muujiyeen inay ka mid yihiin kuwa ugu fiican Yurub qaab ahaan, waxayna noqon doontaa kulan adag”.

“Laakiin waxaan nahay Real Madrid, waxaana u diyaarsannahay kulanka”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga