Koobka Africa: Tartanka Oo Maanta Bilaabanaya Iyo Xog Ku Saabsan Kulanka Furitaanka.

Fiidnimada caawa oo Axad ah xulalka Morocco Iyo Comoros ayaa si Rasmi ah u furaya koobka qaradamada Africa 2025 kulan si weyn loo sugayo oo ka dhici doona garoonka Amiir Moulay Abdellah ee Rabat iyadoo ay jirto xiiso iyo sugitaan ballaaran oo ku aaddan bilowga xafladda kubadda cagta ee qaaradda Afrika.

Isbarbardhigga kulamadii hore ee labada xul wuxuu si cad u muujinayaa in Marooko ay leedahay gacanta sare, maadaama ay guul ka gaartay 3 kulan oo ka mid ah 4 kulan oo rasmi ah oo ay la ciyaartay xuka Comoros, halka hal kulan oo keliya uu ku dhammaaday barbaro, iyada oo xulka Comoros uusan waligiis ka badin xulka Morocco.

Taariikhda kulamadii hore ee labada xul:

14 October 2018: Isreeb-reebka Koobka Qaramada Afrika 2019 – Morocco 1 / 0 Xulka Comoros

16 October 2018: Isreeb-reebka Koobka Qaramada Afrika 2019 – Xulka Comoros 2 / 2 Morocco

14 January 2022: Koobka Qaramada Afrika 2021 – Morocco 2 / 0 Jasiiradaha Qumriga

2 December 2025: Koobka Carabta – Morocco 3 / 1 Xulka Comoros

Xulka “Libaaxyada Atlas” (Morocco) ayaa kulankan furitaanka ah kusoo galaya kalsooni taariikhi ah iyo mid niyadeed, iyagoo ku tiirsan faa’iidada garoonkooda iyo taageerada jamaahiirta si ay u helaan bilow xooggan oo ka tarjumaya hammigooda ku aaddan hanashada koobka Afrika.

Dhanka kale, xulka Comoros wuxuu doonayaa inuu jebiyo saadaasha oo uu soo bandhigo ciyaar adag oo tartan leh, inkasta oo ay wajahayaan imtixaan culus maadaama ay la ciyaarayaan waddanka martigelinaya tartanka kulanka furitaanka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga