Koeman Oo Man United Ka Doonaya Xiddig Old Trafford Ku Dhibaatoonaya

Tababaraha Barcelona Ronald Koeman ayaa lagu soo waramayaa inuu aad u doonayo in uu Barcelona kula midoobo xiddiga khadka dhexe ee Donny van de Beek sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga khadka dhexe ayaa ku dhibaatoonaya in uu boos ka helo Man United kadib hal sano oo uu ku qaatay Old Trafford iyo horyaalka premier League.

Kooxda Barcelona ayaa la sheegayaa in ay doonayso in ay xoojiso khadka dhexe ee kooxdeeda suuqa January waxana uu Koeman doonayaa in uu keeno xiddiga Van de Beek oo uu kala soo shaqeeyay xulka Holland.

Sida laga soo xigtay Sport, Koeman ayaa ka warqaba Dhibaatada Van de Beek ee Man United waxana uu doonayaa in uu xiddiga u soo bandhigo fursad uu ku badbaadiyo xirfadiisa suuqa January.

Si kasta ha ahaatee tababaraha Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa la rumaysanyahay in uu diidanyahay in uu fasaxo xiddiga van de Beek iyada oo lagu jiro bartamaha xilli ciyaareedka.

Sii Akhriso: Ma Dhacday In Gacalisadaadu Ku Siiso Jawaabo Gaagaaban, Ma Is Waydiinaysaa Sababta Ay Sidaas U Samaynayso, Halkan Kaga Bogo Warbixinta Cajiibka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*