Koeman Oo La Siiyay Fursadii Ugu Dambaysay Ee Mustaqbalkiisa.

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa lagu soo waramayaa in uu sii ahaan doono tababaraha Kooxda Barcelona kulanka ay Martida u noqon doonaan kooxda Atletico Madrid sabtida.

Si kasta ha ahaatee tababaraha ayaan joogi doonin kaydka kooxdiisa maadama uu ku jiri doono ganaaxii 2-aad ee dusha laga saaray kadib kaadhkii casaa ee loo taagay.

Waxa jira hadal hayn badan oo ku saabsan mustaqbalka Tababaraha Kadib guuldaradii ka soo kaadhay kooxda Benfica tartanka champions League.

Madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta ayaa wadahadalo la qaatay xiddigaha kooxda wakhti hore oo saaka ah kadib guuldaradii Benfican waxana ay go’aansadeen in dookha ugu fiican yahay in uu tababaruhu sii hogaamiyo kooxda ilaa fasaxa xulalka.

Kulanka Atletico Madrid ayaa muhiim u noqon doona mustaqbalka tababaraha iyada oo kooxdu haatan 5 dhibcood ka dambayso Real Madrid xilli ay hal kulan baaqi u haysato.

Sii Akhriso: 3 Dumar Ah Oo Raggu Neceb Yihiin..Waa Kuwee?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*