Koeman Oo Kashifay Fursadaha Jordi Alba Ee Kulanka El Clasico.

Tababaraha Kooxda Barcelona Ronald Koeman ayaa ka hadlaya fursadaha Daafaca Jordi Alba ee ka qaybgalkiisa kulanka El Clasico ee maalinta sabtida.

Jordi Alba ayaa dhaawaca kaga maqnaa kooxdiisa tan ilaa bilowgii bishan laakiin waxa uu ku soo laabtay tababarka buuxda ee kooxdiisa ka hor kulanka El Clasico.

Keoman ayaa wax laga waydiiyay in uu Jordi Alba ciyaari karo kulanka El Clasico intii uu ku jiray shirkii ka horeeyay kulanka waxana uu ku jawaabay”Marka hore waan eegi doonaa, ma garanayo in uu 100% taam yahay si uu u ciyaaro”.

“Marka hore waan la hadli doonaa hadii uu fiicnaado waxa uu haystaa fursad ku ciyaari karo”.

Daafaca reer Spain ee Alba ayaa kooxdiisa ka maqnaa tan ilaa 4 bishii October waxana uu kooxdiisa ka maqnaa kulamo dhawr ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*