Klopp Oo Xaqiijiyay Mudada Uu Thiago Alcantara Garoomada Ka Maqnaan Doono

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay mudada uu xiddiga khadka dhexe ee Thiago Alcantara ka maqnaan doono garoomada kadib dhaawacii soo gaadhay.

Xiddiga Thiago Alcantara ayaa ku dhaawacmay kulankii ay Liverpool guusha ka gaadhay kooxda Crystal Palace kulan ka tirsanaa horyaalka Premier Leaue.

Xiddiga reer Spain ayaa la badalay qaybtii dambe ee ciyaarta kadib markii uu sii wadan kari waayay ciyaarta waxana lagu sameeyay baadhitaan dheeraad ah.

Tababare Klopp ayaa ka hor kulanka Brentford xaqiijiyay mudada uu xiddiga khadka dhexe ee Thiago Alcantara ka maqnaan doono garoomada kadib dhaawacii soo gaadhay.

Klopp oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”ma hubo 100%, waa dhaawac kubka ah, sida iska cad, kadib fasaxa xulalka ayaa laga yaabaa in uu taam noqdo laakiin uma malaynayo in uu ka soo horayn doono”.

Sii Akhriso: Fariimo Jacayl: Hadalo Macaan Oo Aad U Diri Kartid Qof Aad Si Dhab Ah U Jeceshahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*