Klopp Oo Xaqiijiyay In Ay Kooxdu Heshiis Cusub Ka Saxiixanayso Xiddig Muhiim Ah.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay mustaqbalka xiddiga Roberto Firmino waxana uu xaqiijiyay in ay kooxdu wadahadalo heshiis kordhin ah kula jirto xiddiga.

Heshiiska Firmino ee Liverpool ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu ka mid yahay xiddigaha muddada dheer joogay kooxda Liverpool.

Firmino ayaa xilli ciyaareedkan laf dhabar u ah Liverpool isaga oo kooxda u dhaliyay goolal muhiim ah waliba ku hogaamiyay guulo ama bar-baro.

“Wadahadalku wuu socdaa, waxa aan arki doonaa waxa dhaca”ayuu Klopp yidhi markii wax laga waydiiyay mustaqbalka xiddiga.

“Waxa aan ku faraxsanahay shaqada Bobby, aniga ahaan wuu u qalmaa in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda”.