Klopp Oo Xaqiijiyay Dhaawac Soo Gaadhay 3 Ka Mid Ah Xiddigaha Kooxdiisa

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay dhaawacyo soo gaadhay 3 ka mid ah xiddigaha kooxdiisa kulankii Arsenal.

Klopp ayaa sheegay in xiddigaha Virgil Van Dijk, James Milner iyo Andy Robertson ay ku dhaawacmeen kulankii Arsenal ee khamiistii Carabao cup-ka.

Klopp oo arintaas ka hadlaya ka hor kulanka Brentford ayaa yidhi”xiddigaha Van Dijk, Robertson iyo Milner ayuu soo gaadhay dhaawac yar”.

“Waxa ay jog ka soo gaadhay kulankii Arsenal laakiin uma malaynayo in ay yihiin dhaawacyo xun”.

“Waan arki doonaa sida uu xaalkoodu noqdo ilaa haatan wax warbixin ah oo buuxda ma hayo”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*