Klopp Oo Xaqiijiyay 4 Xiddig Oo Kooxdiisa Ah Oo Seegi Doona Kulanka Brighton

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday in Andy Robertson uu ka mid yahay 4 xiddig oo kooxdiisa ah kuwaas oo seegi doona kulanka Brighton ee horyaalka premier League sabtida.

Reds ayaa haatan ku jirta kaalinta 8-aad ee kala saraynta kadib markii ay si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedkan iyaga oo kaliya badiyay 2 kulan 6-dii kulan ee ay ciyaartay premier League.

Robertson ayaa dhaawac ku seegay kulamadii ugu dambeeyay ee kooxdiisa kadib markii uu ku dhaawacmay kulankii Napoli ee champins League.

Daafaca bidix ayaan u ciyaarin Scotland intii lagu jiray fasaxa xulalka waxana uu Klopp xaqiijiyay in uu seegi doono kulanka Brighton.

Klopp ayaa sidoo kale xaqiijiyay in khadka dhexe ee Curtis Jones, Alex Oxlade-Chamberlain iyo Naby Keita ay dhamaantood seegi doonaan kulanka.

“Wali xiddigo ayaa naga maqn, Robbo, Curtis, Ox iyo Naby dhamaantood way maqan yihiin”ayuu Klopp xaqiijiyay.