Klopp Oo Sheegay Wakhtiga Uu Ku Soo Laaban Doono Liverpool.

Tababarihii hore ee Liverpool, Jurgen Klopp, ayaa xaqiijiyay inuu dib ugu soo laaban doono garoonka Anfield sanadka soo socda.

Klopp ayaa arrintan sheegay Sabtidii, kadib markii uu ka qayb galay ciyaarta halyeeyada (legends game).

Macallinka Jarmalka ah wuxuu ka mid ahaa kooxda tababarka ee Sir Kenny Dalglish, kuwaas oo la ciyaaray halyeeyada Borussia Dortmund.

“Maanta runtii waxay ahayd wax aad u fiican. Dadku si weyn ayay u jeclaayeen,” ayuu yiri Klopp.

“Waxay ahayd wax aad u qurux badan in la arko wiilasha oo ciyaaraya. Thiago keligii wuxuu u qalmaa qiimaha tigidhka!”

Markii la weydiiyay inuu sanadka dambe soo laaban doono, Klopp wuxuu ku jawaabay: “Haa!”

Klopp ayaa ka degay shaqada Liverpool sanadkii 2024, waxaana lagu beddelay Arne Slot, kaasoo ku guuleystay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga