
Tababaraha kooxda Liverpool ee Klopp ayaa saadaal ka bixiyay kooxaha u sharaxan in xili ciyaareedkaan ku guuleystaan tartanka Champion-ka
Tartanka Champion-ka ayaa dib u furamaya bisha dambe ka dib markii uu hakad galay bishii March sababo la xariira xanuunka caabuqa
Macalin Klopp ayaa u arka in kooxaha Man City iyo Munich ay yihiin labada koox ee uu aadka ugu saadaalinayo in ay ku guuleysayanayaan Champion-ka xilli ciyaareedkaan
City ayaa kulan baaqday la leh Real kaasi oo ka tirsan wareegga 16-ka xilli kulankii garoonka Real ay ku soo badiyeen 2/1
Munich iyana waxa ay la ciyaareysaa Chelsea isla wareggaas ayuu ka baaqday xilli kulankii ka dhacaya garoonka kooxda reer Ingiriis ay ku soo badiyeen sedex gool oo nadiifa h
Tababre Klopp ayaa Daily Mail ka yiri” aragtideyda , labadaas koox ayay u badan tahay in midkood uu qaadayo Champion-ka , xiiso ayay lahaan laheyd haddii finalka wada yimaadaan”.
Waxa uu macalinkaas intaas ku sii daray ” haddii aad u baahan tahay in aad ku guuleysto Champion-ka waxaad u baahan tahay in nasiibka uu ku caawiyo”.
Waxaa xusid mudan in Liverpool ay ka hareen tartankaas waxaan reebtay Atletico Madrid
Be the first to comment