Shabakadda Isbaanishka ee Defensa Central ayaa shaacisay in tababaraha reer Jarmal Jürgen Klopp uu dejiyay shuruudo uu ku aqbalayo tababarka Real Madrid laga bilaabo xagaaga soo socda, haddii ay dhacdo in kooxdu go’aansato in ay iska fasaxo Álvaro Arbeloa.
Sida ay sheegtay warbixintu, Klopp wuxuu dalbaday laba daafac dhexe, laba ciyaaryahan oo khadka dhexe ah, iyo sidoo kale in dib loo soo celiyo ciyaaryahanka reer Brazil Endrick, kuwaas oo dhammaantood ka mid ah shuruudihiisa si uu ula wareego hoggaanka farsamo ee kooxda.
Waqtigan xaadirka ah, Álvaro Arbeloa ayaa ah tababaraha Real Madrid kaddib markii la eryay Xabi Alonso, iyadoo mustaqbalka Arbeloa uu weli ku xiran yahay natiijooyinka kooxda xilli-ciyaareedkan, maadaama ay jirto baahi weyn oo loo qabo xasillooni farsamo oo kooxda dib ugu celisa tartanka koobabka.
Klopp ayaa marar badan beeniyay wararka la xiriirinaya tababarka Real Madrid, balse ma uusan meesha ka saarin suurtagalnimada inuu mustaqbalka hogaamiyo kooxda boqortooyada, iyadoo la ogyahay inuu haatan ka shaqeeyo agaasimaha kubadda cagta ee kooxda caalamiga ah ee Red Bull.
Be the first to comment