Klopp Oo Kashifay Arinta Furaha U Ah Garaacida Man City Kulanka Axada.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay Arinta furaha u noqon doonta in ay kooxdiisu garaacdo Man City Axada.

Liverpool ayaa marti galin doonta kooxda Man City Axada kulan ka dhici doona Anfield kana tirsan toodbaadkii 23-aad ee horyaalka premier League.

Kooxda Liverpool ayaa ka quusan doonta rajo kasta oo ay ka leedahay difaacashada horyaalka hadii ay guuldaro kala kulanto kooxda Man City.

Klopp oo la waydiiyay arintaas ayaa yidhi”Waxa aan isku dayi doonaa in aan wax walba u qabano wado saxiix ah arintaas ayaana naga caawin doonta in aan garaacno Man City”.

“Laakiin waxa jira wax iska cad, hadii aanad si fiican u difaacan ma jiri doonto wax aad ka fikirto sababto ah man City way ku garaacaysaa”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Waa Maxay Sababta Ay Dumarku U Doorbidaan Ragga Dhaadheer? 3-dan Sabab Ayaa Ka Dambaysa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*