Klopp Oo Ka Warbixiyay Xaalad Dhaawac Ee Xiddigaha Kooxdiisa

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay taam ahaanshaha laba xiddig oo ka mid ah kooxdiisa kulanka Watford ee horyaalka premier League.

Kooxda Liverpool ayaa la ciyaari doonta kooxda Watford sabtida kulan ka tirsan todobaadkii 8-aad ee horyaalka premier League.

Tababaraha Liverpool ayaa xaqiijiyay taam ahaanshaha Trent Alexander-Arnold iyo Diogo Jota kulanka Watford ee horyaalka premier League.

Trent Alexander-Arnold ayaa seegay kulamadii Liverpool ee ugu dambeeyay sabab la xidhiidha dhaawac uu qabay sidoo kale waxa uu ka maqnaa xulka qarankiisa dhanka kale xiddiga Diogo Jota ayaa dhaawac kaga baxay waajibaadka xulka qarankiisa.

Klopp oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Dhamaan xiddigaha kooxdu waa taam”.

“Waxa ay u muuqataa in Trent Alexander-Arnold iyo Diogo jota taam u noqon doonaan kulanka Watford”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*