Klopp Oo Ka Hadlay Xaaladda Fabinho , Miyuu Ciyaarayaa Kulanka Chelsea Ee FA Cup-ka

Tababaraha Liverpool ee Klopp ayaa taageerayaashiisa u xaqiijiyay xaalada ciyaaryahanka khadka dhexe ee Brazil Fabinho, isagoo carabka ku adkeeyay inuusan ciyaari doonin finalka FA Cup ee ay wajahayaan Chelsea, laakiin uu si dabiici ah uga qeyb qaadan doono finalka Champions League.

Kulakaas Chelsea ee Finalka FA Cup-ka ayaa habeen dambe ka dhacaya qalcadda Wembley

Klopp ayaa shirkiisa jaraa’id ku yiri: “Xaqiiqdii Fabiño wuxuu ku soo laaban doonaa finalka Champions League, ma awoodo inuu nala ciyaaro kulanka Chelsea, waa hubaal”.

Waxa uu intaa ku daray: “Fabiño waa uu fiican yahay, si fiican ayuu u shaqeynayaa, waana xirfadle dhab ah, way caddahay inuusan ku faraxsanayn inuu seego finalka FA Cup, laakiin wuxuu la dagaallamayaa waqtiga.”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Ma ahan waqti ku filan inuu diyaar ahaado Jimcaha ka hor finalka, waxaa laga yaabaa inuu ku soo laabto tababarka Talaadada ama Arbacada, taasna waan ka shaqeyneynaa, waxaana ku kalsoonahay inay sidaas noqon doonto, marka waa uu gabi ahaanba waa fiican yahay.”