Klopp Oo Ka Hadlay Mustaqbalka Virgil Van Dijk.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay mustaqbalka kabtanka kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk.

Van Dijk ayaa shaki galiyay mustaqbalkiisa kooxda Liverpool kadib markii uu Klopp xaqiijiyay in uu isaga tagayo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Virgil van Dijk oo waraysi bixiyay kana hadlay go’aankii uu Klopp uga tagay kooxda ayuu shaki ku galiyay mustaqbalkiisa fog ee kooxda.

“Waxaan ku talin lahaa qof walba inuu is dejiyo”ayuu Klopp yidhi isaga oo ka hadlaya mustaqbalka Van Dijk.

“Ma ahan in uu qofna wal-walo, 100% waan hubaa”.

“Waxa jira wakhti ku filan oo wax walba looga hadli doono, xiddigaha waxa aan hubaa in ay jecelyihiin in ay joogaan halkan”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga