Klopp, Mane, Salah, Adrián, Henderson & Waxa Ay Xiddigaha Liverpool & Klopp Ka Yidhaahdeen Ku Guulaysigii UEFA Super Cup

Kooxda Liverpool ayaa ku guulaystay UEFA Super Cup markii 4-aad ee taariikhdooda kadib markii ay rikoodhayaal kaga qaadeen kooxda Chelsea kulan ka dhacay Istanbul.

Labada kooxood ayaa isugu yimid koobkan kadib markii uu ku kala guulaysteen koobabka chmapions League iyo Europa League xilli ciyaareedkii hore.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa hadaladii tababaraha iyo xiddigaha Liverpool ka yidhaadeen ku guulaysiga koobka UEFA Super Cup-ka.

Hadii aynu ku bilowno tababare Jurgen Klopp” Waxa uu ahaa kulan ku adag laabda kooxoodba, arintu waxa ay kaliya ahayd ku guulaysiga koobka ugu dambayna waanu samaynay”.

“Ma jirin qof labada kooxood ama taageerayaasha ah oo doonayay in ay ciyaarto gaadho wakhti dheeri ah”.

Advertisements

“Waxa aan ku bilaabanay si fiican kulanka laakiin qaab ciyaareedkeena ayaa hoos u dhacay taasna way ka dhici kartaa kubada cagta laakiin waxa aan muujinay dadaal weyn”.

Sadio Mane oo dhaliyay 2 gool ee Liverpool ayaa dhankiisa yidhi”Ku Guulaysiga koobabka ma jirto wax la bar-bar dhigi karo waxa aan dareemayaa kaliya farxad”.

“Maskaxdeena ayaa ah midii samaysay is badalka kulanka laakiin maanu soo qaadan kulankeenii ugu fiicnaa”.

“Waxa aan isku daynay in aan wax walba u samayno in aanu guul gaadhno ugu dambayn waanu ku guulaysanay koobka waana in aan horay u socono”.

Xiddiga Divock Origi ayaa dhankiisa yidhi” Waxa uu ahaa kulan adag, waxa aan la ciyaarnay koox nidaamsan”.

“In aanu guul gaadhno kulan sidan oo kale noogu adag waa arin aan la rumaysan karin, waa wax fiican in aad ku guulaysato koobabka”.

“Dhamaanteen waxa aan leenahay hal u jeedo taas oo ah in aanu Liverpool ka dhigno koox ku guulaysata koobab”.

Xiddiga Mohamed Salah ayaa isna yidhi”Koob cusub oo aan ku soo darnay khasaanada kooxda” isaga oo Isticmaalaya bogiisa Twitter-ka.

Kabtanka Liverpool ee Jordan Henderson oo dhankiisa ka hadlay yaa yidhi”Waan ku faraxsanahay in aan koob kale ku guulaysano, waxa aan doonaynaa in aanu ku guulaysano koobabka ugu badan ee suurtagalka ah kuna raaxaysano nafteena laakiin waa in aan haatan diirada saarno kulanka Southampton ee Sabtida”.

Adrián oo ah Geesigii Liverpool ee kulanka ayaa yidhi”Run ahaantii waan ku faraxsanahay in aan u ciyaaro Liverpool, waan ku faraxsanahay in aan Liverpool ku hogaamiyo koob”.

“Waxa ay ahayd kulan dheer oo adag laakiin ugu dambayn waanu guulaysanay waana arin fiican”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*