Kiven De Bruyne Oo Man City Ka Codsaday In Kooxda La Keeno Xiddig Lala Xidhiidhinayo Man United.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man City ee Kevin De Bruyne ayaa kooxda Man City ka codsaday in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kabtanka u ah Kooxda Aston Villa ee Jack Grealish.

Wargayska Independent ayaa sheegaya in qaab ciyaareedka cajiibka ah ee uu so bandhigay xiddiga Grealish uu qanciyay kooxda Ku ciyaarta Etihad Stadium.

Sidaas darteed De Bruyne ayaa tababare Pep Guardiola u sheegay in uu kooxda keeno xiddiga reer England marka uu furmo suuqa kala iibsigu.

De Bruyne ayaa taageero weyn u ah xiddiga 25 jirka ah waxana uu doonayaa in uu kaga garab ciyaaro kooxda Man City.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*