Kismaayo : Ciyaartooy Qarax Lagu Laalay, Sidee Wax U Dhaceen

Qarax miino ahaa oo lala beegsaday gaari bas ah oo ay saarnaayeen ciyaartoy maanta ka qeybgeli lahaa tartan kubada cagta ah oo ka furmayay magaalada Kismaayo.

Ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga qasaaraha ka dhashay qaraxaan laakiin warar hordhac ah ayaa sheegaya in labo ka mid ah ciyaartoydii saarnaa baska inay dhinteen halka lix kalana ay dhaawac yihiin.

Ciyaartoyda gaariga baska ah saarnaa waxay ka tirsan yihiin kooxda JCCI eeĀ  ka dhisan magaalada Kismaayo.

Waxay ku sii jeedaan garoonka kubada cagta Waamo ee magaalada Kismaayo oo maanta xariga laga jaray halkaasoo ay uga qeybgalayeen tartan kubada cagta ah oo maanta furmayay.

Allaha u naxariisto intii ku dhimatay qaraxii maanta, inta dhaawacantay waxaan Eebe ugu baryeeynaa inuu caafimaad degdeg ah siiyo. Aamiin

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*