Kieran Tierney Oo Kashifay Labadii Kalmad Ee Uu Mikel Arteta U Sheegay Kooxda Ee Ka Caawiyay Guushii Chelsea.

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Arsenal ee Kieran Tierney ayaa shaaca ka qaaday wixii uu Mikel Arteta u sheegay kooxdiisa qaybtii Nasashada ee kulankii ay guusha 3/1 ka gaadheen chelsea kulan ka tirsanaa premier League.

Gunners ayaa soo afjartay 7 kulan oo ayna wax guul ah gaadhin premier League kulan ay garaacday kooxda ay jaarka yihiin ee Chelsea.

Arsenal ayaa 2/0 ku baxday qaybta Hore ee ciyaarta ka hor inta uuna xiddiga Bukayo Saka dhalin goolka 3-aad ee ciyaarta waliba dilay ciyaarta.

“Sii Wada”ayuu u sheegay Sky Sport.

“Kulamadii ugu dambeeyay waxa aan ku jirnay xaalada adag sidaas darteed waxa aan doonaynay in aan horumar samayn.

“Sida aan sheegay waxa uu nagu yidhi “Sii wada ayuu tababaruhu nagu yidhi”ayuu Tierney sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*