Kevin De Bruyne Oo Si Cad Go’aan Uga Gaadhay Mustaqbalkiisa Man City.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Manchester City ee Kevin De Bruyne ayaa u furan inuu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Xiddiga reer Belguim ayaa door muhiim ah ka qaatay guulaha kooxda Man City ee sanadihii ugu dambeeyay isaga oo sidoo kale ku guulaystay Abaarlmarino shaqsi ah.

Kevin De Bruyne ayaa kooxda Man City kula jira heshiis 2 sao ah waxana ay kooxdu doonaysaa in ay heshiis cusub ka saxiixato.

Xiddiga reer Belguim ayaa albaabka u furay in uu mustaqbalkiisa u hibeeyo kooxda Man City qalinkana ku duugo heshiiska cusub.

“Aad ayaan u jecelahay kooxda, wali kooxda kalama hadlin heshiis cusub mana garanayo sababta ay dadku u sheegayaan in aan haatanba ogolaaday heshiis cusub”ayuu yidhi.

“Waxa aan qof walba u sheegay in aan ku faraxsanahay kooxda waliba aan raaxo ku dareemayo hadii ay kooxdu doonayso in ay ila hadasho diyaar ayaan u ahay”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*