Kevin De Bruyne Oo Sharaxay Sababtii Uu Uga Tagay Man City.

MANCHESTER, ENGLAND - OCTOBER 22: Kevin De Bruyne of Manchester City during the Premier League match between Manchester City and Brighton & Hove Albion at Etihad Stadium on October 22, 2022 in Manchester, England. (Photo by Julian Finney/Getty Images)

Xiddiga kooxda Napoli ee Kevin De Bruyne ayaa shaaca ka qaaday sababta uu uga tagay Man City.

34 jirkan ayaa si xor ah ugu biiray Partenopei xagaagan kadib markii uu dhacay heshiiskii uu kula jiray Citizens.

De Bruyne ayaa yidhi”Waqti dheer ayaan ku qaatay Premier League, ugu dambeyntiina, waxaan qaatay go’aan ah inaan ka tago England.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: “Waxa aan sameeyay waxa aan sameeyay, ugu dambayntiina waxa aan ahay ciyaaryahan Manchester City ah noloshayda, waxa aan filayaa in ay tani tahay dhamaadka aniga, waxa la joogaa wakhtigii aan raadin lahaa tartan cusub”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Ilaa inta aan ciyaarayo kubbada cagta, waxa aan doonayaa in aan sameeyo waxa ugu fiican, hadii aan waligay dareemayo in aanan gaadhin, waxa laga yaabaa in aan qaato go’aan ka duwan”.

Waxa uu carabka ku adkeeyay: “Laakiin hadda, da’da 34, waxaan weli dareemayaa inaan awood u leeyahay inaan si fiican u ciyaaro, waxaana halkan u joogaa inaan caddeeyo.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga