Kevin De Bruyne Oo Magacaabay Xiddiga Ugu Halista Badan Liverpool Ka Hor Kulankooda Maanta.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man City ee Kevin De Bruyne ayaa ka hadlay xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ka hor kulanka adag ee Maanta.

Kooxda Man City ayaa Etihad ku marti galin doonta kooxda Liverpool kulan ka tirsan todobaadkii 8-aad ee horyaalka premier League.

Kevin De Bruyne oo arintaas ka hadli kara ayaa yidhi”Waxa uu ku soo baxay Mohamed Salah labadii sano ee ugu dambeeyay ayaa ah in uu ku raaxaysto gool dhalinta waana xiddiga ugu halista badan kooxda Liverpool”.

“Waxa ay Liverpool oo dhan u ciyaartaa si deg-deg ah waxana uu Salah dhaliyaa goolasha isaga oo ku raaxaysanaya”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Oo Fariin U Diray Madaxweynaha Loo Doortay Maraykanka Ee Joe Biden.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*