Kevin De Bruyne Oo Ku Dhaw In Uu Heshiis Cusub Qalinka Ugu Duugo Man City, Imisa Ayuu Saxiixayaa?

Kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhawdahay in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga khadka dhexe ee Kevin De Bruyne.

Xiddiga reer Belguim ayaa la sheegayaa in uu ku dhawyahay in uu qalinka ku duugo heshiis cusub oo 5 sano ah oo uu todobaadkii mushahar ugu qaadan doono lacag ka badan 300 kun oo Gini.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in uu xiddigu qalinka ku duugi doono heshiiska todobaadyada soo socda si uu mustaqbalkiisa ugu hibeeyo kooxda.

Kevin De Bruyne ayaa ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxda tan ilaa markii uu ku soo biiray waxana ay doonayaan in uu sii joogo kooxda.

Xiddiga khadka dhexe ah ayaa haatan kula jira kooxda ilaa xagaaga 2023 waxana ay kooxdu doonaysaa in uu saxiixo heshiis uu kooxda ku joogi doono ilaa 2025.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*