Kepa Arrizabalaga Oo Qaadaya Talaabo U Sahlaysa In Uu Isaga Tago Chelsea.

Kepa Arrizabalaga ayaa diyaar u ah inuu aqbalo mushahar dhimis hadii ay ka caawinayso in uu isaga tago kooxda chelsea marka la gaadho suuqa xagaaga sida ay sheegayaan wararku.

Chelsea ayaa lala xidhiidhinayaa in ay doonayso Goolhaye cusub ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka dambe sabab la xidhiidha in ay ka wal-walsantahay tayada Goolhayaha ugu qaalisan taariikhda ee Kepa Arrizabalaga.

Kepa Arrizabalaga ayaa laga dhaliyay 5 gool kulankii ay Chelsea guuldarada 3/5 kala kulantay Liverpool waxana uu u muuqdaa mid aqbalay in uu mustaqbalkiisu yaalo meel ka baxsan Chelsea.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in 25 jirkan diyaar u yahay in uu musharkiisa hoos uga dhigo 150 kun oo Gini si uu uga tago kooxda chelsea xagaaga.

Kooxda Valencia ayaa ilaa haatan ah kooxda xiisaha u muujisay Goolhayaha sidoo kale Sivella aya doonaysa saxiixiixa Goolhayahay.

Sii Akhriso: Dalka Maraykanka Oo Ka Hadlay Xil Ka Qaadistiis Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*