Karim Benzema: Sir Ma Ahan In Ay Real Madrid Doonayso Kylian Mbappe

Weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa ka hadlay wararka kooxda Real Madrid la xidhiidhinaya Xiddiga Kylian Mbappe kaas oo lala xidhiidhinayo Los Blancos bilihii ugu dambeeyay.

Real Madrid ayaa xagaagii Mbappe ka gudbisay dalabyo Waaweyn laakiin kooxda PSG ayaa diiday isku dayadii Real Madrid iyaga oo ku adkaystay sii hasashada xiddiga reer France.

Mbappe ayaa galaya bilihii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa PSG waxana uu ilaa haatan diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda PSG taas oo la macno ah in uu qaab xor ah uga tagi doono kooxda xagaaga.

Xiddiga Karim Benzema oo xidhiidh dhaw la leh xiddiga ay isku dalka yihiin ayaa ka hadlay xiisaha ay Real Madrid u qabto saxiixa xiddiga reer France.

“Sida iska cad Real Madrid waxa ay doonaysaa Kylian Mbappe, arintaas hada Sir ma ahan”ayuu Karim u sheegay Telefoot.