Karim Benzema Oo Vinicius Junior Ka Raali Galiyay Hadalkii Kulankii Borussia Monchengladbach

Karim Benzema ayaa lagu soo waramayaa inuu raaligelin ka siiyay saaxiibkiis Real Madrid Vinicius Junior hadaladiisii ​​intii lagu jiray kulankii salaasadii ee Champions League ee ay la ciyaarayeen Borussia Monchengladbach.

Xiddiga reer France ayaa la sheegay in ay kaamirooyinka qabteen isaga oo u sheegaya Ferland Mendy in uuna Vinicius u dhiibin kubada sabab la xidhiidha in uu ka soo hor jeedo kooxda Zidane.

Laakiin wargayska MARCA ayaa sheegaya in uu Benzema u tagay xiddiga Vinicius intii lagu jiray tababarkii khamiistii isaga oo xiddiga ka raali galiyay hadalkiisii.

Wararka ayaa sheegaya in ay labada xiddig haatan is fahmeen waliba diyaar u yihiin in ay wada shaqeeyaan si ay kooxdu guulo u gaadho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*