Karim Benzema Oo Seegaya Kulanka Ugu Dambeeya Ee Real Madrid Ka Hor Koobka Adduunka

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Cadiz kulanka ugu dambeeya ee ka hor koobka adduunka.

Real Madrid ayaa la ciyaari doonta kooxda Cadiz kulan ka tirsan horyaalka La Liga  iyada oo Los Blancos doonayso in ay ku soo laabato wadada guulaha kadib guuldaradii Rayo Vallecan.

Laakiin Real Madrid ayaa ciyaari doonta kulanka Cadiz la’aanta kabtankooda weerarka uga ciyaara ee Karim Benzema kaas oo dhaawac ku seegaya kulanka Cadiz.

Xiddiga Benzema ayaa xilli ciyaareedkan ku dhibaatooday dhaawacyo isaga oo aan si joogto ah u ciyaarin ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Benzema ayaa sidoo kale ku dhibaatoonaya goolka hortiisa isaga oo aan wax gool ah dhalin kulamadii wareega Group-yada ee champions League.