Karim Benzema Oo Sabab U Ah In Uu Robert Lewandowski Ku Biiro Barcelona, Qaab Noocee Ah

Cezary Kucharski oo ah wakiilkii hore ee Robert Lewandowski ayaa sharaxay in sababta weeraryahanka Bayern Munich uu ugu biiray horyaalka  LaLiga Santander aysan ahayn wax cusub isla markaana ay ka go’an tahay in uu cadeeyo in uu ka fiican yahay Karim Benzema.

Weeraryahanka ayaa si Rasmi ah ugu biiray Barcelona kadib markii ay kooxda Barcelona ogolaatay in ay ka bixiso lacag dhan 50 milyan oo euro.

“Wuxuu doonayaa inuu caddeeyo inuu ka fiican yahay Benzema, waa sababta uu ugu biiray Barcelona,” Kucharski ayaa u sheegay Radio Ser.

“Lewandowski wax riyo ah ma hayo, isaga ciyaarista kubada cagtu waa u shaqo, waana xirfadle, Real Madrid iyo Barcelona-na waa isku heer isaga ahaan”.

“Barcelona iyo Lewandowski ayaa u dagalamay sidii uu heshiisku u dhici lahaa.”.

Xiddiga reer Poland ayaa ugu dambayn noqday saxiixii 4-aad ee ay samayso kooxda Barcelona isaga oo haatan bilaabay tababarka kooxdiisa cusub.