Karim Benzema Oo Rikoodh Gaar Ah Kula Jaaray Lionel Messi & Cristiano Ronaldo.

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa kooxdiisa ka badbaadiyay guuldaro ka soo gaadha kooxda Borussia Mönchengladbach kulan ka tirsanaa champions League.

Karim Benzema ayaa kooxdiisa u dhaliyay goolka furitaanka xilli kooxda rer Germany 2/0 ku hogaaminaysay ciyaarta ilaa daqiiqadii 85-aad ee qaybta dambe ee ciyaarta.

Goolkaas ayaa Karim Benzema ayaa ka caawiyay in uu Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi kula biiro rikoodh khaas ah oo tartanka champions League.

Karim Benzema ayaa dhaliyay goolkiisii 30-aad ee tartanka champions League isaga oo noqday xiddigii 4-aad ee rikoodhkaas gaadha kadib xiddigaha Raul, Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Sidoo kale Karim Benzema ayaa noqday xiddigii 3-aad ee champions League gool ka dhaliya 16 xilli ciyaareed oo xidhiidh ah Kadib Lionel Messi iyo Ryan Giggs.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*