Karim Benzema Oo Real Madrid Ku Hogaamiyay Guul Fudud, Cadiz Ayay Ka Taqaluseen.

Kooxda Real Marid ayaa guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda Cadiz iyaga oo si ku meel gaadh ah hogaanka La Liga ula qabtay kooxda Atletico Madrid.

Kulanka ayaa ahaa mid ay Real Madrid si hoosaysaku bilaabatay iyaga oo maamulayay ciyaarta laakiin aan halis badan galin kooxda ay martida u ahaayeen ee Cadiz.

Dhanka kale kooxda Cadiz ayaa ku dhiiranaatay in ay weeraro ku qaado kooxda Real Madrid iyaga oo halis galiyay goolhayaha kooxda Los Blanos dhawr jeer.

Daqiiqadii 30-aad ayay Real Madrid heshay rikoodhe kadib markii khalad lagu galay xiddiga vinicius jr waxana rikoodhada gool u badalay xiddiga Karim Benzema kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Wiilasha Zidane oo uu goolku dhiiri galiyay ayaa weerar tagay waxana ay goobo galiyeen xiddigaha Kooxda Cadiz kuwaas oo difaac galay si ay gool kale uga hor istaagaan kooxda Real Madrid.

Laakiin daqiiqadii 33-aad ayay Real Madrid sii dheeraystay hogaanka ciyaarta waxana goolka u dhaliyay markan xiddiga Alvaro Odriozola kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay Real Ku hogaaminayso.

Real Madrid ayaa bilowday in ay raadiso goolal ay ciyaarta ku disho iyaga oo qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn xilli ay kooxda Cadiz ka niyad jabtay labada gool ee laga dhaliyay.

Daqiiqadii 40-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Karim Benzema kaas oo hurdo u diray ciayarta kana dhigay 3/0 qaybtii hore ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Los Blancos ahayd kooxda fiican waliba soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah una qalmeen goolasha ay dhaliyeen.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Real Madrid sii waday dadaalka laakiin umay ciyaarayn sidii ay markii hore u ciyaaraysay maadama ay ciyaarta dileen wakhti hore.

Arintaas ayaa dhiiri galisay koxoda Cadiz waxana ay Real Madrid ku qaadeen weeraro halis ah laakiin waxa ay ku fashilmeen in ay wax gool ah ka dhaliyaan.

Zidane ayaa isaguna bilaabay in uu nasiyo xiddigaha kooxdiisa ugu muhiimsan maadama ay 3-da dhibcood ee kulanka gacanta ku dhigeen qaybtii hore ee ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid gaadhay guul wakhti hore ah waliba ka caawisay in ay la dhibco noqdaan kooxda Atletic Madrid oo Khamiista ciyaari doonta kulankooda.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid gaadhay guul ay u qalantay kuna sii waday guuleheeda xidhiidhka ah ee horyaalka hogaankana si ku meel gaadh ah ula qabatay kooxda ay jaarka yihiin ee Atletico Madrid.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*