Karim Benzema Oo Ku Guulaystay Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican La Liga Bishii September.

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa ku guulaystay xiddigii ugu fiicnaa horyaalka La Liga bishii September ee la soo dhaafay.

La Liga oo warbixin ku soo saaray ayaa yidhi”Karim Benzema waxa uu ku guulaystay abaalmarinta xiddigii uu fiicnaa bishii September, waana xiddigii ugu horeeyay ee abaalmarinta ku guulaystay xilli ciyaareedkan”.

Xiddiga reer France ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay bishii la soo dhaafay isaga oo halis ku ahaa goolka hortiisa kooxdiisana u dhaliyay goolal badan oo muhiim ah.

Xiddiga weerarka ka ciyaara ee Karim Benzema ayaa dhaliyay 6 gool oo La Liga ah halka uu 4 kale caawiye ka noqday kulamadii horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedka.

Guud ahaan Karim ayaa kooxdiisa Real Madrid u dhaliyay 10 gool sidoo kale caawiye ka noqday 7 kale tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: Ma Dhacday In Gacalisadaadu Ku Siiso Jawaabo Gaagaaban, Ma Is Waydiinaysaa Sababta Ay Sidaas U Samaynayso, Halkan Kaga Bogo Warbixinta Cajiibka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*